Mucaaradka Somaliland oo Eedeyn u Jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland..

Politics Somalia news

Eedeyn ayeey Kooxaha Mucaaradka Somaliland u jeediyeen Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir kadib markii u dhaqaaqay dhismaha bog cusub oo Twitter-ka ah, kaasoo uu ugu tala galay inuu ku shaqeeyo oo wararka Maamulka ee arrimaha Dibeda ku baahiyo…

Waxaana akoonyadii ugu horeeyay ee uu raacay ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed A.Farmaajo, Villa Somalia, Madaxweynaha xiligaan xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeeda Somaliland Cabdiwahaab Cabdisamad.

Talabaadan ayaa ah mid si weyn uga walaacsan isla markaana su’aalo adag ka keenaysa daacadnimada Wasiirka iyo sida ay uga go’an tahay u adeegida Somaliland, iyadoo kooxaha Mucaaradka, inkastoo Xoogaga Amaanka ay shalay ka qabteen Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa Naciima Abwaan Axmed Qorane.

355360cookie-checkMucaaradka Somaliland oo Eedeyn u Jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *