Magaalada Garoowe Oo Wajaheysa Amaan darro xilli uu jiro Khilaaf Siyaasadeed Oo ka Dhashay Doorashada

Somalia news

Labadii Maalmood ee ugu dambeeyay waxaa laga soo diiwaan geliyay magaalada Garoowe amaan darro baahsan oo tiro afduub iyo dhac hubeysan la diiwaan geliyay, xili uu shalay xirmay Garoonka Diyaaradaha magaalada kadib gacan ka hadal dhex maray koox kala taageersan Dhinacada isku haya Siyaasada iyo hanaanka doorashada degaanka…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegtay in koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay afduubteen Maamulaha Bangiga Salaama Faraca Garoowe, Mr.Khaliif Maxamed Jaamaca iyo Gaarigiisa sida laga soo xigtay qoyskiisa iyo Asxaabtiisa, waxaana la sheegay in mudfo kadib ay soo daayeen laakin ay Gaarigiisa la tageen.

Sidoo kale koox Sakhraansan (Cabtooy) ayaa la sheegay iney rasaas ku dhaawaceen Arday kana qaateen Mobile-sa dhawaan ka soo qaxay Dagaalka Dalka Sudan kaasoo baranaayay Cilma Caafimaadka, kooxdaan ayaa sidoo kale Odayaal jimicsi ku jiray ka wada qaatay Talefonadii ay wateen, ilaa hadda Laamaha amaanka ayaa ka hadlin dhacdooyinkaan waxaana lagu eedeeyay iney ku mashquulsan yihiin difaaca Maamulka Dani.

Dhanka kale Wakiilada Beesha Caalamka oo soo saaray Baaqyo ayaa sheegay iney walaac ka muujiyeen isku dhacyada hubeysan ee ka dhashay geedi socodka doorashada lagu muransan yahay ee Dimuqaraadiyada Puntland, waxeyna ugu baaqeen in Saamileyda ay wada hadal ku xaliyaan kala aragti duwanaanshaha ka dhex oogan.

256220cookie-checkMagaalada Garoowe Oo Wajaheysa Amaan darro xilli uu jiro Khilaaf Siyaasadeed Oo ka Dhashay Doorashada