Guddiga Doorashada Puntland Oo Lagu Eedeeyay diiwaangelinta Caruurta & Agab laga xaday

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa howsha Diiwangelinta Doorashada golaha degaanka ee lagu muransan yahay ee ka socotay Dugsiga Cumar Samantar ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo (Puntland), iyadoo laga xaday 3-Computer oo Guddiga TPEC u isticmaaleysa Shaqada..

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in goobtaasi ay iska diiwaan geliyeen Beel ka mid ah kuwa wada dega Waqooyiga Magaalada, iyadoo muran xoogan oo ka dhacay, ayaa lagu sheegay in Horgalada Beesha ay sheegeen in Agabka la xaday loo la dan leeyahay sumcad dilka Beesha oo dooneysa iney iska diiwaan geliyaan.

Maamulka TPEC ayaa qiray iney aad u hooseyso tirada Dadka iska diiwaan geliyay, waxeyna sheegeen in Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso Iyo Waqooyiga Gaalkacyo ay inta badan Dadka Degen ka gaabsadeen iney is diiwaan geliyaan waxeyna ugu baaqeen Maamulka Puntland inuu marka hore xaliyo khilaafka kala dhaxeeya Xisbiyada Mucaaradka.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney jiraan tiro badan oo Caruur aan qaangar aheyn la diiwaan geliyay si tirada loogu buuxsado loona boobo Doorashada, kadib markii uu hoos u dhac ku yimid dadkii u soo bixi lahaa Doorashada, taasoo welwel xoogan ka qaadeen Maamulka Deni.

245630cookie-checkGuddiga Doorashada Puntland Oo Lagu Eedeeyay diiwaangelinta Caruurta & Agab laga xaday