Dhaqaalaha Maamulka Hargeysa Ku bixisay Safarkii Dalka Mareykanka

Somalia news

Wakiilkii hore ee Maamulka Somaliland u fadhiyay magaalada Washington Mr.Rashiid Gaaruf oo ka hadlay Safarkii uu Muuse Biixi ku tagay Dalka Mareykanka iyo marxaladihii uu soo maray Xiriirka Hargeysa & Washington ayaa sheegay in dhaqaale badan lagu bixiyay sidii ujadeedadaasi loo gaari lahaa…

Wuxuuna sheegay (Mr.Gaaruf) in Maamulka Muuse biixi ay muddo sanad ah ay dhaqaale ku siinaayeen Shirkad Lobby Washington uga farsameysa, iyagoo bil kasta u shubi jiray 25,000 US$, waxeyna ku guuleysteen iney la kulansiiyaan 3-Senator oo Ka tirsan Aqalka Senatorada USA.

Senatorada uu la kulmay Mr.Biixi ayaa waxss ka mid ahaa Chirs Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) & Mike Rounds (R-SD) waxeyna ka wada tirsan yihiin Guddiga Senate ee Arrimaha Dibeda, waxeyna talo ku soo saareen nidaam hagaaya Xeerka Saaxibtinimada Somaliland, iyagoo ka codsaday Waaxda Arrimaha Dibeda USA iney Warbixino u gudbiso Congress-ka.

178120cookie-checkDhaqaalaha Maamulka Hargeysa Ku bixisay Safarkii Dalka Mareykanka