Maxaa Xulashada Xubnaha Amniga ka dhigay kuwa hooseya Xaalada Adag ee Dalka ku sugan yahay

Somalia news

Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ku dhowaad 100-maalmood uu ka howlgalaayo Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa laga filaayay inuu si dareen leh uga hadlo xaaladaha Abaarta, Amniga, Argagixisada & Dhaqaale xumida xiligaan si faahfaahsan Dalka ka taagan, isagoo ka Faa’iideysanaaya fursada…

Dalkaan waxaa socda dhaqdhaqaaqyo lidi ju ah Midnimada, Qaranimada iyo Wadajir Dalka aysan wadaan Dalal shisheeye, Hadal jeedintiisii ugu horeysay ee xasuuqii Hoteelka Xayaat kadib oo aad loogu dheg taagayay waxey noqtay mid ka hooseysa hankii loo qabay waxaana ka muuqatay khudbadiisu ”Xabad hal-kaliyaaye oo meel dhexe ku qabowday”, lana hareer maray yoolkii, inkastoo Madaxweynuhu leeyahay khibrad hore ee Hogaamineed.

Madaxweynaha ayaa qiray in Shacabka Soomaaliyeed ay ”quus ka taagan yihiin”, hadana ayaan darro khudbadiisa kuma uusan xusin dabaca Amniga iyo tayada hooseysa Saraakiisha loo xil saaray iney sugan Amniga Caasimada kuwaasoo caqligooda siiyay iney isbaarooyin ku ciqaabaan Shacbiga Magaalada Mogadishu.

Xulashada Xubnaha ee Abaamarinta Siyaasadeed:-

Dad badan ayaa saluugay Madaxweynaha qaabka uu u wajahaayo Xulashada Xubnaha taageeraan Xisbigiisa ee ” Abaalmarinta Siyaasadeed”, gaar ahaan xulshada Xubnaha Hey’adaha Amniga kuwaasoo u baahan aqoon iyo waayo aragnimo wada socota, waxaa kaloo ka mid ah xagal daacinta, isagoo u xushay 3-xubnood oo kala ah (Xuseen Macallin) la-taliyaha Amniga Madaxweynaha), (Mahad Salad) Agaasimaha NISA, iyo (Kamaal Guutaale) La-taliyaha Amniga Wasiirka 1-aad ay seddexduba aysan weligood tababar Ciidan soo qaadan, ku darsoo La-taliyaha Madaxweynaha khibradiisu ayaa lagu sheegay inuu Walaalkiis yahay Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, xiriir hoosena la leh mid ka mid Sirdoonada Reer Galbeedka ee fadhigoodu yahay Mogadishu.

Hadda Madaxweynaha waxaa u soo haray inuu Magacaabo Taliyayaasha Ciidamada (Boliiska & Xoogga Dalka), kuwaasoo la eegi doono iney miisaan u noqdaan kuwo aan lagu soo xulan tixgelin siyaasadeed & abaalmarin kooxeed, balse Saraakiil lagu soo xusho iney khibrad hogaamineed, waayo aragnimo iyo Soomaalinimada ku weyn tahay.

209680cookie-checkMaxaa Xulashada Xubnaha Amniga ka dhigay kuwa hooseya Xaalada Adag ee Dalka ku sugan yahay