Mustaqbalka Lacagaha la isugu diro Telefoonada ee Somalia & Faa’iidada Shabciga…

Economie Security Somalia news World

Inkastoo Dalka Somalia xiligaan uusan ka jirin Nidaam (Sharci) Bangiyeed oo Adag isla Xakameeya Lacagaha Danabeysan (Mobile Money ), iyadoo ay Shirkada Hormuud Dalka ku baahisay Nidaamyada Zaad iyo EVC) kuwaasoo ka shaqeeya guud ahaan Gobolada Dalka aadna uga faa’iideysteen Shacbiga Soomaaliyeed…

Cilmi-baaris ay dhawaan sameeyeen qaar ka mid ah khuburada ku taqasustay cilmiga dhaqaalaha, ayeey ku soo bandhigeen faa’iidada iyo khasaaraha ay bulshada kala kulmaan lacagaha danabeeysan ee taleefanada la isugu diro, iyadoo Bangiyada Dalka ka dhisan ay aad u maalgashadeen (Electronic Money) Nidaamka Lacagaha Danabeysan taasoo horseedi karta Somalia ay ka mid noqoto Dalalka aan daabacan Lacagaha Cash-ka ah.

Waxaana Nidaamkaan ay meesha ka saartay Lacagohii Cash-ka ahaa, iyadoo Darasaadaan lagu xusay in 5-ta sano ee soo socota Dalka Somalia waxey noqon doonta Dal aan laheyn Lacag u gaar ah waxeyna xooga saareen isticmaalka Lacagaha US$ Danabeysan, iyadoo la og yahay in xiligaan Siyaasadaha Lacagaha ee Dowlada Mareykanka uusan sidii hore u xoog badneyd isla markaasna hanjabaado (Cunaqabateyn) ku xiray siyaasadihiisa xooga ku dhisan

Ku darsoo Isbaheysiga cusub Dalalka BRICS ayaa dhistay Nidaam la mid ah mid SWIFT-ga (Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunications) ee USA iyo Europe ay leeyihiin, mana jiraan Dal Danaanad qaadi karaa inuusan dhaceynin ama laga xirto Lacago kuugu jira Accounts sida Dalalka SWIFT oo xanibaad ku soo rogay 300-Billions US$ oo Dowlada Russia leedahay, maxaa u qorshe ah Dowlada Somalia Lacagaha xiligaan danabeysan ee Dollar ah ee ay isticmaalaan mase jiraan qorshe lagu dhisaayo Lacago Danabeysan oo Shilin Somali ah..!?

360230cookie-checkMustaqbalka Lacagaha la isugu diro Telefoonada ee Somalia & Faa’iidada Shabciga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *