Dhismayaasha Villa Somalia Oo Khad-cagaaran Laga Hirgelinaayo

Somalia news

War-murtiyeedka shirka Wadatashiga Qaran oo si weyn isha loogu hayo, ayaa la sugayaa in farwaaweyn lagu muujiyo in AMISOM, la kala dhex dhigo Xafiisyada Farmaajo iyo Rooble, isla-markaana la dejiyo qoryaha isku sii jeeda ee dhismayaasha saaran…

Xogta ayaa tilmaameysa in qaar ka mid ah Madaxda Maamullada ay soo bandhigeen in guud ahaan amniga Villa Somalia, lagu wareejiyo ciidanka (Uganda) Sector One ee AMISOM, kuwaasoo qabilsan ilaalada Madxda DF iyo xarumaha muhiimka ah.

Soo jeedintaas, ayaa waxaa sidoo kale ku jirtay in Madaxtoyada dhexdeeda laga saaro Ciidamada Guutada Boliiska Dableyda, kuwaasoo lagu eedeeyay iney fuliyeen awaamiir khaldan iska markaasna ay qabsadeen Xafiisyada iyo Hoyga Wasiirka 1-aad, talaabadaan ayaa horseeday in Khad-cagaaran laga dhex sameeyo Dhismayaasha Villa Somalia.

Hadii Khadkaan laga hirgeliyo gudaha Villa Somalia waxey horseedi doontaa in dib loogu noqdo Nidaamka Dowladeed Oo ilaa sanadkii 2007-kii la soo dhisaayay, isla markaasna Amniga Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Wasiirka 1-aad loo gacan geliyo Ciidamada Amisom, sidoo kale Waxaa jira qorshe ah in la magacaabo Taliyayaasha Ciidamada.

161120cookie-checkDhismayaasha Villa Somalia Oo Khad-cagaaran Laga Hirgelinaayo