Ma Dhabaa In Xilalka Laga Qaadayo Madaxda Ciidamada

Somalia news

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia ay si hoose u wadaan qorshe xilalka looga qaadayaa Taliyayaal Ciidan oo uu ugu horeeyo Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Nabadsugida (NISA)…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin lagu khasbayo inuu iska casilo Xilkaasi, iyadoo Hey’adda aysan si rasmi ah u laheyn Kuxigeen ayaa waxaa la sheegay in Mr.Farmaajo uu go’aansaday inuu u magacaabo si KMG ah Cabdulahi Kulane (Jiis-Mareexaan) oo ku magacaaban Madaxa Kaalinta Ee Hey’adda NISA, talaabadaan ayaa loo arkaa iney dhalin doonto khilaaf hor leh, bacdamaa ay Farmaajo isku beel yihiin.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni soo jeediyay in Taliyayaasha Ciidamada xilalka laga qaado, kadib markii ay weerareen Hoteelka Maa’ida oo ay ku sugnaayeen Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, isla markaasna xilalka loo magacaabo Saraakiil dhexdhexaad ah oo aan Siyaasada faraha kula jirin.

98290cookie-checkMa Dhabaa In Xilalka Laga Qaadayo Madaxda Ciidamada