Musuqa & Qaraabo-Shaqo Siin Baahsan Oo Lagu Eedeeysy Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Musuq iyo Qaraabo-Shaqo baahsan oo lagu Eedeeyay in Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia, kadib markii Wasiirka Madaxtooyada Wiil uu dhalay oo 22-sano jir ah oo aan waayo aragnimo laheyn Xil Agaasime loogu Magacaabay Wasaarad..

Xuuraankaan ayaa xaqiijinaaya in Cabdiraxmaan Abshir Maxamed (Bukhaari) uuna dhalay Wasiirka Madaxtooyada Abshir Bukhaari xilka Agaasimaha Waaxda Shuruucda & Heshiisyada Caalamiga ah ee Wasaarada Arrimaha Dibeda loogu magacaabay, isagoon khibrad iyo Waayo aragnimo u laheyn Xilka Xafiiskaani, ficiladaan magacaabista Caruurta Madaxweyahs iyo Wasiirada ayaa noqday kuwo xargo goostay.

Musuqa & Qaraabo Shaqo-siinta

Magacaabistaan ayaa fadeexad ku ah Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia oo horey loogu eedeeyay inuu Caruurtiisa Xilal Madaxtooyada ugu magacaabay, waxaana su’aal laga keenay Nidaamka shaqo bixinta ee Dowlada, Talaabadaan ayaa timid kadib markii tiro badan oo shaqaale ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibeba iyo Qorsheynta laga ceyriyay, iyadoo lagu bedelay Dhalinyaro aan khibrad laheyn.

Magacaabista Caruurta Madaxweynaha iyo Wiilka Wasiirkiisa Madaxtooyada ayaa loo arkaa Tusaale muuqda u ah in Xilalka Dowlada lagu bixiyo qaraabo shaqo-siin, halkii laga xulan lahaa Nidaam hufan oo cadaalad ku dhisan shaqo bixinta aqoon iyo waayo aragnimo, Ficiladaan ayaa sumcad xumo u soo jiideysay Kalsoonida ay Dadweynaha ku qabaan Hogaanka Fashilmay ee Xasan Gurgurte.

357530cookie-checkMusuqa & Qaraabo-Shaqo Siin Baahsan Oo Lagu Eedeeysy Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *