Is-rasaaseyn Ka Dhalatay Askar Toogasho lagu Fuliyay Degmada Cabud waaq

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal ka dhashay Toogasho maanta lagu fuliyay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada ee Degmada Cabud waaq, kadib markii wadada loo galay Ciidamada waday Meydka si ay ugu wareejiyaan Ehelada Marxuumka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac…

Wararka ayaa sheegay in is-rasaaseynta ay ka dambeeysay kadobe markii Maleeshiyaad hubeysan ay weerareen Askar waday meydka askari katirsan Ciidamada dowladda ee saakay loo qisaasay dilka taliye kuxigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug & Walaashiis.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo ka dhacday xaafada Kowda luulyo ee degmada Cabudwaaq ay ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ka kala tirsan halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa la sheegay in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay weerarka ay ka taagan tahay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, isla markaana dadka degaanka ay cabsi soo wajahday.

203710cookie-checkIs-rasaaseyn Ka Dhalatay Askar Toogasho lagu Fuliyay Degmada Cabud waaq
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com