Kaligii-Taliyihii aan Taagta laheyn Oo Talada Dalka Maroorsaday

Somalia news

Shano Sano oo sharci darro ah una baahan xisaab, ayuu Farmaajaha Fashilmay ku maamulaayay Talada Dalka, Wuxuu ku duulay degaano nabad ah, oo 10 sano ka hor laga xoreeyay Kooxda argagixisada, wuxuuna degaanadaasi ka geystay xasuuq ba’an, isagoo madaafiic ku weeraray, Maato u badan Caruur iyo Haween aan waxba galabsan oo ku noolaa magaalooyinka, B/Xaawo, Baydhabo, Dhuusa mareeb iyo Guricel…

1826-maalmood oo u dhiganta 5-sano oo buuxda ayaa ka soo wareegtay February 8th 2017, markaas oo xilka Madaxweynaha dalka, loo dhiibay Farmaajo, kadib doorasho natiijadeeda lagu wada qancay oo ka dhacday Caasimadda, Inkasoo shantaas sano ay ku suntan yihiin “Sanadihii kali-taliska aan taagta lahayn” oo aysan jirin hormar dowladnimo oo la taaban karo, dib-u-socod iyo dibin-daabyo mooyee, ayay haddana waajib tahay in wax la iska weydiiyo gobood-fallada foosha-xun ee Farmaajo ku falay magaca dowladda.

Wuxuu burburiyay Hay’addii sharci dajinta iyo la xisaabtanka Xukuumadda ee ugu miisaanka cusleyd Laamaha Dowladda, [Golaha Shacabka], wuxuuna awoodda Laanta Fulinta u adeegsaday xil ka raacdeyntii Guddoomiyihii Aqalka hoose, Prof Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], halka uu Aqalka sare ka dhigay howlgab.

Farmaajo, Wuxuu ku duulay Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, si uu meesha uga saaro nidaamka federaalka ee dastuurku dhigayo, wuxuuna Baydhabo iyo Dhuusamareeb, ka geystay xasuuq shacab si uu kuraasta ugu sarreysa Galmudug iyo KGS u saaro qabanno isaga u adeega oo aan aqoon hoggaamineed lahayn.

Wuxuu cunaqabateyn saaray Jubbaland, si uu xilka Madaxweynaha uga qaado Axmed Madoobe, oo beeshiisu diiddan tahay, waxayna cunaqabateyntaasi sababtay in bulshadu dhibbane u noqoto, waxaa la soo wariyay in Caruur, Haween uur leh u geeriyoodeen la’aanta adeegyo caafimaad oo si fududu lagu heli jiray ka hor beegsiga Kismaayo.

Farmaajo, wuxuu kala qeybiyay Ciidanka Dowladda, isagoo dhistay kuwa di gaar ah ugu adeega (Haramcad, Girgo & Duufaan), wuxuu ku suntay maleeshiyo qabiil, halka qaar kale uu difaac ka galiyay Daljirja Dahsoon, Isgoyska Sayidka, Ceelgaabta, Shimbiraale iyo goobo kale, si ay ugu sii hayaan kursiga, isla-markaan u hor istaagan dadka isaga ka aragtida duwan ee caasimadda ku sugan.

Muddada uu Villa Somalia joogay, waxaa jeebkiisa ku maqan ku Balaayiin US$ ah, maadaama 5-ta sano uusan sameyn wax xisaab xir ah, taasoo sababtay in Dalalka deeqaha bixiya meesha ka saaraan kabkii miisaaniyadeed oo ay la garab taagneeyeen Dowladda Federaalka.

Intaas iyo in ka badan waxa ay qeyb ka yihiin, gobood-falladda Farmaajo galay oo ay waajibka tahay in wax laga weydiiyo, loona cuskado in looga hor istaago inuu mar kale u baratamo tartanka xilka ugu sarreeya dalka iyo guud ahaan qabashada xil iyo xoolo Umadeed.

166880cookie-checkKaligii-Taliyihii aan Taagta laheyn Oo Talada Dalka Maroorsaday