Muxuu salka ku Hayaa Dagaalka Degmada Berdaale Yuuse u Dhaxeeyaa..

Somalia news

Sida ay muujinayaan warar madax banaan oo laga helaayo Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in 5-tii Bishii May ay Ciidamo ka tirsan Maamulka Konfur galbeed ay weerar ku qaadeen ilaalada Oday Dhaqameed Degaanka ka soo jeeda iyagoo ku dilay Gurigiisa kadibna Maamulka ay sheegay iney Maleeshiyaad Shabab ah soo weerareen Degmada…

Degmada Berdaale oo qiyaastii 211-KM u jirta Magaalada Mogadishu, waxaana saameyn iyo joogotasn ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia qeybtana ka ah ATMIS, iyadoo Dagaaladii ka dhacay bishii tagtay iyo Shalay ayaa sheegaya in Dagaalkaan uu salka ku hayo muran iyo khilaaf u dhaxeeya Maamulka Lafta gareen iyo Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Federaalka ee Degmadaasi ka soo jeeda.

Ayaan darro dagaalkii ka dhacay Degmada Berdaale ayaa lagu dilay Taliyihii Boliiska Marxuum Cali Boorow kadib iska horimaad xoogan oo dhex maray Xoogaga Amaanka ee Maamulka iyo kuwa Degaanka, Wasiirka Amniga Xasan Cabdulqaadir ayaa ku eedeeyay iney weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shababka inkastoo eedaasi ay tahay mid laga leexinaayo xaqiiqda ka taagan Degmada.

Dowlada Federaalka, waxaa looga fadhiyaa iney ku baxdo oo joojiso dhiig mudada bisha ah ky daadanaaya Degmada Berdaale isla markaasna Qorshe cad oo xal nabadeed ah u raadiso sidii loo soo af jari lahaa Dagaalka, waana ayaan darro in Dirirtaan loo saariyo Kooxda Argagixisada Shababka lagu baneysto dhiiga Dadka Degaanka.

329640cookie-checkMuxuu salka ku Hayaa Dagaalka Degmada Berdaale Yuuse u Dhaxeeyaa..