Kenya Airways oo Bilaawday Duulimaadyada Xamuulka ee UAE iyo Somalia..

Africa News Somalia news

Diyaaradda Kenya Airways ayaa si toos ah u bilowday iney isaga kala gooshto magaalada Sharjah ee dalka UAE iyo magaalada Muqdisho ee Somalia, waxaana shalay ka soo degtey garoonka Aden Cadde diyaaradii ugu horeysay ee Kenya Airways muddo labo sano kadib…

Wararka ayaa intaasi raacinaya in Shirkaddu ay bilawday duulimaad toddobaadle ah oo dhaqan galay shalay Jimcaha, Febraayo 9, iyadoo qorshaheedu yahay inuu noqdo laba jeer toddobaadkiiba bisha Abriil, Kannan Nachiappan, oo ah madaxa fulinta ee Global GSA Cargo, ayaa sheegay in duullimaadyada tooska ah ee UAE iyo Somalia ay dhimi doonaan waqtiga ay ku safraan, ayna dhimi doonaan kharashaadka.

Kenya Airways waxay sheegtay inay sidoo kale dib u bilaabi doonto duullimaadyada tooska ah ee rakaabka ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho laga bilaabo Febraayo 15, 2024, Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysay duulimaadka xamuulka ah ee ay shirkada Kenya Airways ay bilowday.

307120cookie-checkKenya Airways oo Bilaawday Duulimaadyada Xamuulka ee UAE iyo Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com