Maxaa Kala Socotaa Fariisimada ATMIS ee la Wareejiyay & kuwa la Burburiyay..

Africa News Somalia news

Warbixin ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaq fariisino wareejin ah oo ay wadeen maalmahaan Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), ayaa soo gabagabeyay wajigii kowaad ee dhimista Ciidamo gaaraya 2 kun oo askari, iyadoo Amaanka Fariisimada ay ka baxeenna lagu wareejinayo Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka…

Wararka ayaa sheegay in tirada guud ee Ciidamada ATMIS ay kala yihiin 650-Ciidamo Burundi ah, 400 oo Askari oo Ethiopian ah, 400 oo Ciidamo Kenyan ah iyo 150 Djibouti ah, waxaana la qorsheeyay iney Ciidamadaan qayb ka ah kuwa baxaya.

Iyadoo ay Go’aankaan wada gaareen Dowladda Federaalka, Hogaanka Hawlgalka ATMIS iyo UNSOS kadib markii ay kulan yeesheen 4-tii May ee Sanadkan, laakiin xiritaanka Fariisimadaan qaar waxaa ka soo kordhay walaac ay soo gudbiyeen Dadka deegaannadaasi kuwaasoo sheegay inaysan ogeyn waxa mustaqbalkoodu ku dambeynaayo.

Ciidamada ATMIS oo ka koobnaa 18,568 Askari wixii ka horeyay bishii Deceember ee sanadkii tagay ayaa sameyn doona dhimis kale bisha September ee sanadkaan 2023, iyo Juun 2024, taasoo ay xigi doonto bixitaan kama dambaysta ah ee ciidanka ATMIS ee bisha December 2024-ka, inkastoo qeylo dhaan laga keenay dhimistaan, Marka laga soo tago afarta xero ee la wareejiyay waxaa jira 3 xero oo gebi ahaanba la burburinayo kuwaasoo kala Mirtugo, (Sh/Dhexe), Gerilleey (Gobolka Gedo) iyo Marka Ayub (Buulo mareer).

264680cookie-checkMaxaa Kala Socotaa Fariisimada ATMIS ee la Wareejiyay & kuwa la Burburiyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com