Share the post "Muxuu yahay Farqiga u dhaxeeya Nidaamka Xoolo dhaqashada Casriga ah iyo kan Soomaalida.."
Dalka Somalia ayaa waxaa kaalin hore kaga jira dhaqashada Xoolaha, marka la eego dhaqaalaha iyo wax soo saarka Dalka, iyadoo horay inta ugu badan Dadka ay u ahaan jireen kuwo Miyiga ku dhaqda xoolaha ama ay noloshoodu ku tiirsan tahay, inkastoo ay jiraan Muwaadiniin Beeraha iyo Xoolaha wada Dhaqda..
Sanooyinkii ugu dambeeyay inta badan Dadku waxey u soo hayaameen Magaalada, gaar ahasn Caasimada Mogadishu, haba kala duwanaatee duruufta ku khasabtay iney magaalooyinka u guuraan, iyadoo Shacbigu ay isku waafaqssn yihiin in Dhaqashada Xoolaha uu kaalinta hore kaga jiro kheyraadka Dalku leeyahay, inkastoo ay jirasn duruufo kala duwan oo xoola dhaqatadu dhib ku qabaan.

Khabiir ku takhasusay arrimaha Xoolaha ayaa sheegay ”Marka aad miyiga tagtid waxaad arkaysaa nin haysta 200 oo Neef oo Geel ah oo ugu yaraan 50 u dhaleen iyo dhowr tiro oo Ari ah oo haddana ka gaajaysan, taasi waxa ay igu dhiiragalisay in aan tuso bulshadeena ‘ninkii 10 halaad leh oo maalgaliya, masruufkiisa iyo noloshiisa ayuu ka helaya, marka loo eego kan 100 halaad leh ee ka gaajaysan”.
Goobaha dhaqashada casriga ee xanaanada xoolaha la isku waafaqsan yahay in Dhaqashada Arigu uu ka kharash yar yahay Geela oo u baahanaya dhaqaale badan si loogu sameeyo dhulkii, biyihii iyo Daaqii la siin lahaa, taasina ay keentay in Geelliisa uu Miyigu u joogo, inkastoo aysan jirin Dowlad dhexe iyo mid Maamul oo Muwaadiniinta kala taliya Hababka wanaagsan ee casriga ah ee loo dhaqdo Xoolaha.
”Bulshadeena haddii la wacyigaliyo oo awoodooda kor loo qaado wax badan ayaa iska beddeli kara, Waagii hore markii aan warbaahinta soo galayay dadku aad ayay ula yaabanayeen markii ay arkaan xoolo la qalayo iyo kuwa la daweynayo, laakiin hadda aad ayay la socdaan nidaamyada cudub ee dhaqashada xoolaha, waxa ay aaminsan yihiin in xoolaha qofkii fahansan uu wax ka keeni karo” ayuu sheegay Khabiir Soomaaliyeed.