Farmaajo Oo Guure Ku Soo Galay Mogadishu

Somalia news

Kadib markii uu waji gabax kala soo kulmay Hogaamiye kooxeedka soo daahay Kulankii AU-da ee Magaalada Kinshasa Ee (DRC), ayaa la sheegay inuu guure aroortii Hore Ee Saakay ku soo galay Magaalada Mogadishu xilli aan laga fileynin, Safarka ayaa horey loo qorsheeyay inuu qaato 2-maalmood…

Wararka hordhaca ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Safarka Farmaajo uu ku soo koobmay 24-saac, iyadoo garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu Ay Ku soo dhowwwyeen saraakiil kooban, waxaana la xiray Wadooyinka xili uu roob da’aayay saanta dadkuna ay koobneyd.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in saacado kooban loo qabtay inuu soo saaro qoraal uu kaga laabanaayo Muddo Kordhinta iyo inuu Saxiixo warqad uu ku wareejinaayo awoodaha Xafiiska Ee Magacaabista iyo bixinta kharashaadka, hadii uu ka baaqsado Waxaa miiska saaran in Cunaqabateyn la saari doono 15-xubnood oo ay ku jirto Afadiisa.

Waxey u badan in Shirkii Teendhada Afisioni dib la isugu soo laaban doono Dhowaan oo ayna ka soo wada qeyb geli doonaan dhamaan Saamileyda Siyaasada, waxaana lagu wadaa in Maalinta sabtida uu dib u bilaaban doono shirka Afisioni.

112450cookie-checkFarmaajo Oo Guure Ku Soo Galay Mogadishu