Mareykanka Oo Mudada Joogitaanka u Kordhiyay Soo Galootiga Soomaalida

Somalia news U.S.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Mr.Alejandro N. Mayorkas ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Dadka Soo galootiga Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale…

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka bilaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socda ee 2024, isagoo sidoo kale sheegay in Somalia mar kale loo asteeyey inay tahay Dal ay dhibaato ka taagan tahay.

Soo galootigaan joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS), go’aankaan ayaa u oggalaabaya ku dhawaad 430-Qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan oo ay dhawaan shaacin doonoto Dowladda Federaalka Mareykanka, isla markaana ay sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.

236950cookie-checkMareykanka Oo Mudada Joogitaanka u Kordhiyay Soo Galootiga Soomaalida
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com