Nairobi Oo Lagu Qabtay Rakaab Shahaado Been Abuur ah Watay

Somalia news

Saraakiisha Caafimaadka iyo kuwa Amaanka ayaa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) waxey ku qabteen 17-Qof oo rakaab ah, kuwaasoo lagu helay in ay sameysteen shahaadada Caafimaadka Covid-19 oo been abuur ah…

Dadkaan ayaa lagu ogaaday kadib markii warqadaha ay wataan la mariyay qaybta hubinta (Scan), balse Dhuuxa hoose ee warqaddda caddeyneysa inay tahay iyo iney been abuur tahay laga waayay shahaadooyinkii Caafimaad ay wateen.

Warbaahinta Kenya ayaa tabisay in Wasaaradda Caafimaadka dalkaas loo gudbiyay shahaadooyinka dadkaan gaaraya 17-ruux ee Rakaabka ah si loosii hubiyo, balse ay cadaatay in been abuur ay yihiin shahaadooyinka ay wataan.

Duullimaadyada Caalamiga ah oo fududaa wixii ka horeeyay Maarso 2020 ayaa haatan lagu soo kordhiyay shuruudo adag, waxaana kamid ah si loo hubiyo caafimaadka qofka safraya in uu heysto shahaadada muujineysa in uu ka badqabo Covid-19.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kenya ay ka cabsi qabto in isu tagga Imaaraatka Carabta uu ka joojiyo safarka diyaaradaha, maadaama 100-ruux oo Kenyan ah oo ka safartay Jomo Kenyatta isla markaana qaatay Shahaado been abuur ah laga helay Covid-19.

75170cookie-checkNairobi Oo Lagu Qabtay Rakaab Shahaado Been Abuur ah Watay