Musharax Raaligelin ka Bixiyey Hadal ay ka Caroodeen Soomaalida Kenya 

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Murashax u taagan xilka Gudoomiyaha Magaalada Nairobi iyo Duqa Magaalada ugu tartamaya Xisbiga talada haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa raalligelin ka bixiyey hadallo ka careysiiyay Bulshada Nairobi qaarkood..

Mr.Igathe oo lagu eedeeyay inuu si gaar ah u beegsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah inuu shakhsiyaad farta ku fiiqayay, Raalligelinta Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si wayn u faafay oo laga duubay hadallo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.

Muuqaalkaasi ayuu ku sheegay in Golaha degaanka ee Nairobi oo xubnihiisa ay u badan yihiin qowmiyadda Kikuyu ay gacanta ku hayaan 3-Xildhibaan oo Soomaali ah, kuwaasoo dhammaan xubnaha kale ay la haystayaal u yihiin, Xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid hayb soocaya Soomaalida.

197590cookie-checkMusharax Raaligelin ka Bixiyey Hadal ay ka Caroodeen Soomaalida Kenya 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com