Odayaasha Dhaqanka Oo ugu Baaqay Hogaanka Dowlada ineysan Dhexdhexaad ka noqon Dagaalka Laas caanood..

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka SSC- Khaatuma ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia inaysan diyaar u ahayn inay cadayso mowqifkeeda ku aadan dhibaatada lagu hayo shacabk reer SSC…

Garaad Jaamac oo laga wareystay arrimaha Laascaanood ka socda, ayaa sheegay Dowladda Federaalku inay u dhaqmayso mid labada dhinacba dhexdhexaad u ah oo ay wada raali galiso, sidoo kalena aysan sheegin cidda qaladka iska leh.

“Waxaanu leennahay Dowlada Somalia hakusoo dhowaato caddaalada, Waxaannu leenahay haddaanu qaldanahay dowladdu ha tiraahdo kala go’aa raali ka nahay, idinkaa qaldane ka guura Laascaanood ama ku biira Somaliland, Haddiise Somaliland qaldan tahay, ha yiraahdaan dadkan iyo goboladan dhulkooda uga baxo,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in Dowladda federalka ay Somaliland ku raali galiso xaq aysan lahayn, wuxuu tilmaamay in aanay jirin dhul iyo gobolo ay ku murasan yihiin, balse cidda dhulkeeda duullaanka lagu yahay ay iyaga yihiin.

Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in Dowladda federalka ay Somaliland ku raali galiso xaq aysan lahayn. wuxuu tilmaamay in aanay jirin dhul iyo gobolo ay ku murasan yihiin, balse cidda dhulkeeda duullaanka lagu yahay ay iyaga yihiin.

264250cookie-checkOdayaasha Dhaqanka Oo ugu Baaqay Hogaanka Dowlada ineysan Dhexdhexaad ka noqon Dagaalka Laas caanood..