Puntland Cabasho iyo Eedeyn ka soo Saartay Degaano lagu daray Galmudug..

Politics Security Somalia news

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa ka horyimid go’aanka hay’adda u qaabilsan dowladda Somalia Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee NIRA, taasoo salka ku heysa in Degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ay Hay’addaasi u diiwawangelisay kuwa ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug…

Howlwadeenkaan si adag cambaareeyay tallaabadaasi ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka iney Degaanada Gobolka Mudug ka hurinayso colaad ka dhex dhacda labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, kadib markii ay degmooyin ka tirsan Puntland si qaldan ugu dartay dhinaca Galmudug, waxaana uu ka digay in aysan marna aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug.

“Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada lawadadagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Somalia, Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta” ayuu yiri Gudoomiyaha.

365050cookie-checkPuntland Cabasho iyo Eedeyn ka soo Saartay Degaano lagu daray Galmudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *