Burcad Dhac Geesatay iyo Gadisley Waxay Ay soo Dhacaan ka Gadan jiray…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Xoogaga Amaanka gaar ahaan kuwa ka howlgala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ay fuliyeen ayaa waxey ku soo qabteen kooxo Burcad ah oo dhac u geysan jiray Dad Rayidka ah degaanka degan..

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaani ay inta badan Dadka ka dhici jireen Talefonada Gacanta, iyadoo si hordhac ah loo helay Warar tilmaamaya in Kooxdani ay xiliyada habeenkii Dhac geysan jireen, 2-Eedeysane ayaa ka mid ahaa kooxaha burcada iyo kuwa falalka amni darro wada.

Xoogaga Amaanka ayaa ayaa sidoo kale soo xiray Nin ay sheegeen inuu ahaa Gadisley ay Burcada u geen jireen Telfoonada ay dadka Shacabka ah ka dhacan, waxeyna Boliiska sheegeen in saddexdan nin xabsiga la dhigay loona gudbin doono Laamaha Garsoorka.

255830cookie-checkBurcad Dhac Geesatay iyo Gadisley Waxay Ay soo Dhacaan ka Gadan jiray…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com