Share the post "Puntland oo Mamnuucday Ka Kireynta Guryaha Shisheeyaha iyo Dawarsiga gudaha Magaalooyinka.."
Maamulka Puntland ayaa soo saaray amaro lagu mamnuucay Tuugsiga iyo Dhalinyarada alaabta yar yar wareejiya ama ka Ganacsatada in aan la siinin simcard ama laga kireeyo Guri Dof Degaanka sharci daro ku soo galay ama ku degan iyo Amaro kale oo lagu xoojinaayo Amaanka…
Talaabadaan ayaa timid kadib markii Xoogaga Amaanka Puntland ay habeen hore ku dileen magaalada Boosaaso Nin ajnabi ah oo miino aasayey kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee Alaabaha ku wareejiya magaalada wuxuuna ka tirsanaa kooxda Daacish sida ay sheegeen Baarayaasha.
Qoraalkaan ayaa Sidoo kale lagu xusay Howlgalo baaris ay Xoogaga Amaanka ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa lagu soo ay ka sameeyeen ayeey ku soo qabteen hub iyo waxyaalaha qarxa kaddib markii baaritaano lagu sameeyay xaafadaha magaaladaasi lagu soo qabtay guri uu deganaan nin ajanabi, Magaalada ayaa muddo sanooyin ah aan baaris adag laga fulin Halka xuduudaha ay iska furan yihiin.