Mareykanka Oo Rooble Hordhigay Dalabyo Culus

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Saraakiisha USA ay culeysyo ku saareen Wasiirka 1-aad Ee xil gaarsiinta Rooble inuu u qabto Shir deg deg ah Oo ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib markii ku shubasho iyo boob ay ka dhaceen Xulashadii Xildhibaanada Golaha Shacbiga..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Washington uu aad u saluugay Qaabka dabacsanaan Ee Rooble u maareeyay tiro badan oo xulushada Xildhibaanada, iyadoo Musharixiinta qaarkood loo diiday iney tartamaan halka kuwo si boob ah lagu soo saaray Ee eedaha doorashada dadban ee Aqalka hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Hogaanada Galmudug iyo Konfur galbeed ay diideen in xiligaan la qabto Kulanka dibna loo saxo khaladaadka, waxeyna si hoose u sheegeen iney safaro Caafimaad ugu baxaayaan Dalka Turkiga, Talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu carqaladeynaayo Dalabyada Mareykanka.

Dhanka Kale Midowga Musharixiinta ayaa maalmahaan ka doodaaya sidii loo dhisi lahaa “ Gole KMG Ee Qaranka”, Sida ay xawiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah, Waxeyna ku fasireen in la badbaadiyo Dalka iyadoo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu Dalka ku hogaamiyay burbur nidaamka dowladeed ee 11-kii sano u dambeysa la soo dhisaayay, waxeyna wada tashiyo la yeesheen Maamulada Puntland.

154350cookie-checkMareykanka Oo Rooble Hordhigay Dalabyo Culus