Dagaal Dib Uga Qarxay Bacaad-weyn (Galmudug)

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya degaanka Bacaadweyn Ee Gobolka Mudug (Galmudug ayaa sheegaya Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka socdaa xiligaan meel u dhaw Magaalada Bacaadweyne, waxaana dagaalkan uu udhaxeeya dadka deegaanka iyo Mililteriga Dowlada oo isku dhinac ah iyo Kooxda Shabaabka….

Dirirtaan ayaa dib u qarxay kadib markii tiro dhowr hoobiye ah lagu Weeraray magaalada Bacadweyne afafkeeda hore, waxaase ku baxay duqeyntaasi Ciidan ka tirsan Militeriga, iyagoona dagaal la galay Xubnihii ka tirsanaa Kooxda Shababka, sidoo kale dadka degaanka ayaa dagaalka ku biiray, iyadoo dadka degaanka ay dagaalkaasi uga geeriyoodeen 5-qof halka dhowr iyo kaga dhaawacmeen, waxaa la sheegay in kooxda Shababka laga 7-Dabley ah, iyadoo dib uga uga gurtay Degaanka lagu dagaalamay.

Magaalada Bacaadweyne waxaa ku sugan Ergo uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi qeybdiid iyo Xubno ka tirsan Galmudug, kuwaasoo wada hadalo la leh Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgardka degaanka.

#La soco wixii soo kordha.#

89280cookie-checkDagaal Dib Uga Qarxay Bacaad-weyn (Galmudug)