Ma Dhabaa in Madaxda Soomaalida ay dib uga Fekerayaan Go’aankoodii Nooca Doorashada..

Somalia news

Tan iyo markii dhidibada loo taagay shirkii lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000, Soomaalidu waxey isticaamaaleysay Nidaamka awood qeybsiga 4,5, taasoo aan horumar laga gaarin isla markaasna la degay hanaanka Dowliga kaasoo ku reebey raad musuq, eex iyo in xulashada Xildhibaanada lagu saleeyo Rabitaanka shaqsiga Hogaanka Dalka..

Hogaanka Dalka iyo 4-ta Maamul ayaa ku heshiisyay iyadoo aan marka hore la tala gelin Shacbiga in Doorasho Nooc cusub oo 2-Xisbi ka kooban, go’aankaasi oo diidmo xoogan laga keenay heshiiskaasi lagu tilmaamay “Dastuur jebin”, waxaana loogu baaqay iney deg deg uga laabtaan isla markaasna talada masiirka Dalka la balaariyo oo aan lagu koobin Tiro yar.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxtooyada iyo Maamulada Dalka kadib culeysyo dhinacyo badan ka yimid ay dib uga fekerayaan go’aankoodii kasoo baxay magaalada Mogadishu, iyadoo heshiiskaasi lagu tilmaamay mid u jiheeynaaya hanaan doorasho aan dastuuri aheyn iyo muddo kororsi sharci darro ah oo heer Federaal iyo heer Gobol.

259350cookie-checkMa Dhabaa in Madaxda Soomaalida ay dib uga Fekerayaan Go’aankoodii Nooca Doorashada..