Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka dhacay Degaano hoos taga Gobolka Hiiraan..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Khamiistii ka dhacay daanta galbeed ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Dirirtaan ayaa bilaabatay kadib markii maleeshiyada Shabaab ay shalay subax weerar kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60-km dhanka galbeed kaga toosan Magaalada…

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga hubeysan ee Macawiisleyda oo muddooyinkii ugu dambeysay deganaa degaankaasi ayaa waxaa soo weeraray tiro badan oo maleeshiyada kooxdq Argagixisada kuwaasoo laga abaabulay Degaanka Buq-goosaar oo 30-km u jirta Ceelcadde.

Waxaa la sheegay in Xoogaga Degaanka ay dib uga gurteen kadib markii deegaankaasi culeys soo saareen Maleeshiyaadkii soo weeraray, iyadoo Kooxda Argagixisada ay ayaa wadada u galay ciidan gurmad ahaa oo ka soo ruqaansaday Degmada Far Libaax oo deegaankaasi uu ka tirsan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal la isku soo noqnoqday uu ka dhacay Caagsibiri, oo ku dhow Wadiga Lahelow, iyadoona ciidamada ay markii dambe u suurtagashay iney halkaasi ka saaraan maleeshiyadii Shabaabka, Dagaalka ayaana gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah.

Kooxda Argagixisada ayaa sheegtay iney weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Xoogaga Macawisleyda ee ku sugan degaanka Jicibow ee Gobolka Hiiraan, halkaasina oo ay ku dileen 11 ka mid ah, 16 ay ku dhaawaceen, tiro maxaabiis ahna ay ku qabteen.

284180cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka dhacay Degaano hoos taga Gobolka Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com