Dagaal Ka Dhacay Duleedka Matabaan

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala oo shalay ku dhex maray Laba maleeshiyo ayaa ku dhex maray degaan hoostega degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in dagaalkaassi uu xooggiisu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan, waxaana uu bilowday Casirliiqii shalay galab, xilli labada malayshiyaad ay isku adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu salka ku hayo muran ka dhashay Baraago biyo laga cabo oo dhawaan xal laga gaaray, isla markaana heshiis la dhex dhigay maleeshiyaad uu dagaalka u dhexeeyo, balse mar qura laga war helay rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.

Majirto cid ilaa hadda faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay soo werinayaan in xaalad kacsanaan ah halkaas ay ka jirto.

74740cookie-checkDagaal Ka Dhacay Duleedka Matabaan