Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa ka socda qabanqaabada Laba bannaanbax oo iska soo horjeeda kuwaasoo lagu wado iney maanta ka dhacaan Magaalada, iyadoo ay soo kala qabanqaabiyeen Taageerayaasha Maamulka iyo Kooxaha u dooda Maqaamka Magaalada..
Wararka hordhaca ah ayaa Diinah.com u sheegay in xalay laga dareemay Magaalada qabanqaabada isku soo bax ballaaran oo ay soo diyaariyeen Waxgarad, hoggaanka dhaqanka iyo qeybaha bulshada gobolka Banaadir, kuwaasoo ku dalbanayo iney helaan xuquuqda mataalaadda gobolka Banaadir.
Isu-Soo-bax ka soo horjeeda dibadbax kale oo laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya oo maamulka gobolka Banaadir uu fududeynayo lana doonayo in taageero loogu qalbi qaboojinayo loogu muujiyo Madaxweyne Farmaajo oo waji gabax kala kulmay kalfadhiga shalay ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa la diyaariyay.
Waxaana laga cabsi qabaa in Dibad-baxyadaan ay horseedaan in taageerayaasha ay isku fara saaraan gudaha Magaalada, iyadoo looga digay Maamulka Villa Somalia iney xiligaan kala guurka ah Dalka u horseedaan dagaal sokeeye.