Ma Dhabaa in Danjiraha Iran Uu ka Baxay Madal uu Madaxweynaha Somalia Ka Hadlaayay..

Somalia news

Warar laga helay magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia oo ka hadlaayay Madal lagu qabtay ayaa kaga yaabsaday Mas’uuliyiintii iyo marti-sharaftii ka soo qeyb gashay Kulanka lagu qabtay halkaasi, kadib markii uu shaaca ka qaaday inuu Somalia ka eryay Diblomaasiyiin Iiraaniyiin ah sanadkii 2016-kii, oo xiligaasi lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen baahinta “Caqiidada Shiicada” ee Dalka…

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Arbacadii tagtay in Xarunta Cilmi-baarista Khilaafaadka iyo Arrimaha Bini’aadinimada ee Dooxa, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalka Qatar, isagoo muujiyay xiriirka aan wanaagsanayn ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

“Intii aan aragnay waxaa aad u kordhaayay mudooyinkii ugu dambeeyay joogitaanka, gurashada iyo Jilaabashada Doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah uga kaluumeysta Xeebaha Dalka, Doonayahaan ayaa ka yimid Dalka Iran oo ku sugan Xeebaheena, laakiin waxaan ku adkaysannay go’aankeenna ah inaan ka hortagno faafitaanka caqiidada Shiicada gudaha Dalkeena Sunniga ah.”

Wuxuu sheegay.Danjiraha Iran oo ka careysan hadalka xanafta leh ee Madaxweynaha Munaasabada ka sheegay, ayuu durbadiiba ka baxay Madasha Safiirka Iran u fadhiya Qatar oo kulankaasi ku sugnaa, isagoo muujiyay sida Iran aysan ugu qanacsaneyn hadalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay in badan isla dhex-marayeen in go’aanka diblumaasiyiintan lagu eryay ay saamayn ku lahaayeen Dowladaha Mareykanka iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo xilligaasi ay xifaaltan kala dhaxeeyay Dalka Iran, taasoo ka hor imanaysa hadalkii Madaxweyne Maxamuud ee ahaa in go’aankaasi uu jawaab u yahay oo keliya walaaca laga qabo taageerada Iiraan ee lagu eedeeyay ee hawlaha Faafinta Caqiidada Shiicada, iyagoo adeegsanaaya adeegayaal Somali ah.

256570cookie-checkMa Dhabaa in Danjiraha Iran Uu ka Baxay Madal uu Madaxweynaha Somalia Ka Hadlaayay..