Gaadiidleyda Oo Cabasho Ka Keenay Wadooyinka

Somalia news

Cabasho xoogan iyo dhaliilo ayaa loo jeediyay Maamulka Farmaajo iyo Guddiga Maamula Iskaashatada Gaadiidka Xamuulka ka qaada dekeda Magaalada Muqdishu, kadib markii ay soo shaac baxeen canshuur xad dhaaf oo laga Gaadiidka Xamuulka iyo Xirnaanta wadooyinka oo ay ku maraan Baad ay bixiaan….

Wadayaasha Gaadiidka Xamuulka ayaa dhib weyn ku qabo Lacagaha laga qaado oo qaarkood la sheegay in lagu dayactiraayo wadooyinka Bur bursan taasoo aan shoving iyo Wadooyinka xiran Xoogaga Amaanka ay baad ka qaadaan marista wadada, talaabadaan waxay keentay Cabasho iyo Guuxa hoose oo ay shacabka Magaalada dareemeen.

https://www.facebook.com/363773513701137/posts/3236035253141601/?vh=e&extid=SJt5VapH1SIFJXAc

Shalay waxaa Banaanbaxyo xoogan ka dhigay Darawalada Gawaarida waa weyn kuwaa oo ka Cabanaayey Canshuur Xad dhafaa ah oo laga Qaado iyo Wadooyinka oo burbursan.

Wadayaasha Gaadiidka oo la hadlaayay Warbaahinta gudaha ayaa cabasho xoogan ka muujiyay ineysan heynin wado ay maraan magaalada Muqdisho, Waxeyna intaasi raaciyeen in Dekada iyo Suuqyada Magaalada ay u kala socdaan 6-maalmood wadooyinka oo xiran iyo burburka baahsan, Ma jirta cid wax ka qabaneysa iyadoona Muqdiaho xili adag oo kala guur ah ku jirta xiligaan.

56730cookie-checkGaadiidleyda Oo Cabasho Ka Keenay Wadooyinka