Ilaalada Madaxtooyada Oo u Gacan Qaaday Xildhibaano

Somalia news

Ilaalada Madaxweynaha Oo Beesha uu ka soo jeeda u badan, ayaa lagu eedeeyay iney u gacan qaadeen Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka, kadib markii lagu ooriyay Madaxweynaha xafladii shalay ee gudaha Madaxtooyada qeybta Villa Hargeysa….

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ahaa Mudanayaashii ku mudaaharaaday Madaxweynaha ayaa ku dooday inuu iska indhatiray xaalada dhabta ah ee uu Dalka ku sugan yahay, Sharci-dejiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in falka ay ku kaceen uusan aheyn mid sharci darro ah, isla markaasna uu dhigaayo xeer hoosaadka Barlamaanka, una oggolaanaya iney dareenkooda muujiyaan.

Wuxuuna Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka gaabiyeye inuu wac ka qabo, Dacwada Badda, Xasuuqii Tuulada Gololey iyo Khilaafka Dowlada iyo Dowlad goboleedyada, kumana soo hadal qaadin khudbadiisa.

Xildhibaanka ayaa Mr.Farmaajo ku eedeeyay iney Ciidamo Bastoolado ku hubeysan oo ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia la soo geliyay gudaha Barlamaanka, markii ay ku ooriyeen hadal-jeediintiisa, hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu Mr.Farmaajo ku eedeeyay laba Xildhibaan iney carqaladeeyeen khudbadiisa.

40140cookie-checkIlaalada Madaxtooyada Oo u Gacan Qaaday Xildhibaano