Qabanqaabo Kulan Oo Dhuusa mareeb Ka Socota

Somalia news

Warbixin hordhaca ayaa sheegaya in qabanqaabo iyo diyaarin laga wado Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud, kaasoo ku saabsan, in dhowaan ay Kulan ku yeelan doonaan Magaalada Wakiilo ka socda Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada…

Xogtaan ayaa Diinah,com u sheegtay in 15 Bishaan Shirka Dawlada Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada ka furmi doono Magaalada Dhuuso mareeb Caasimada Galmudug, Kulankaan ayaana looga hadlayaa xalinta Khilaafka Federaalka ka dhashay, Hanaanka Doorashooyinka Dalka iyo Qeybsiga Kheyraadka iyo qodobo kale.

Inkastoo Wararka qaarkood ay tilmaamayaan in Kulamo hordhac ahaa uu fashil uu ku yimid, kadib markii qodobada qaarkood laga heshiin waayay, waxaana kulankaani uu u dhaca Muqaal arag, ayna soo qabanqaabiyeen Xafiiska UN-ka ee Somalia.

39630cookie-checkQabanqaabo Kulan Oo Dhuusa mareeb Ka Socota