Maxaa Ka Taqaan 4-Horjooge Ee Ugu Awooda Badan Kooda Shababka

Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Sirdoonka USA & qeybta daba galka & la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in kooxda Argagixisada Shababka ay u dalacday iney noqon Kooxda ugu qanisan shabakadaha & Faracyada Kooxda Al-Qaida..

Kooxdaan ayaa la qiray in Sanadihii ugu dambeeyay ay sare kac ku yimid Dhaqaalaha (Baada) ay uruuriyaan, iyagoo u suurto gashay iney dhaqaale ku maalgeliyaan Kooxaha Boca Haram kuwa ka dagaalama Mozambique iyo DRC, talabadaan oo u fududeysa iney tababaraan Boqolal Maleeshiyaad cusub weliba dakhli u helaan in ka badan 100-Millions US$, waxeyna ka faa’iideysteen Habacsanaantii iyo Maamul xumadii Maamulkii Farmaajo.

Xiligaan Maleeshiyaadka kooxdan Maamulka cusub ee Villa Somalia ayaa ku guuleystay inuu dib u bilaabo dagaalada lagu hayo Kooxdaan kana saaray degaano badan inkastoo uu xiligaan hakad uu ku yimid Ololahaan laguna sababeeyay ineysan jirin qorshe cad oo muddo Gaaban iyo muddo dheerba leh.

Waa kuwee Horjoogayaasha ugu Awooda Badan Xiligaan gudaha kooxda

-Horjoogaha Guud Abuu Cubeyda aka Axmed Diiriye, wuxuu xilkaasi qabtay sanadkii 2014-kii, ka horna wuxuu madax ka ahaa Waaxda Arrimaha Gudaha, isagoo sidoo kale xubin sare ka ah Ururka Al-Qa’ida, wuxuuna ka soo heeda Beesha Dir.

Kuxigeenka Horjoogaha Guud

Horjoogahaan ayaa lagu magacaaba Abuukar Cali Aadan, wuxuuna ka soo jeeda Beesha Xawaadle, wuxuuna u xil saaran yahay isku dabaridka Qorshayaasha Maleeshiyo & Amniga kooxda, isagoo Wakiil ka ah Horjoogaha guud.

Horjooge Mahad Qaley (karatee), Horjoogahaan oo ka soo jeeda Beesha Ceyr HG, wuxuu ku fadhiya Golaha ugu weyn Hogaanka kooxda, wuxuu u xil saaran yahay Howlgelinta Amniyaadka iyo Qeybta Maaliyada.

-Horjooge Jehad Serwan Mostafa

Aka Al-Anwar Al-Ameiiki alias Amir Anwar, Horjoogahaan ayaa kasoo jeeda Dalka USA, wuxuuna madax ka yahay Qeybta Muhaajiriinta (Ajaaniibta) Ee hoos taga Kooxda Shababka, wuxuuna xiligaan u xil saaran yahay Howlgelinta iyo dejinta Qorshaha weerarada isagoo la tilmaamo iney hoos yimadaan qeybta farsamada Qaraxyada, isagoo horey u soo maray qeybaha Tababarada, qorista muhaajiriinta & Warbaahinta, wuxuu mar soo noqday Wakiilka Al-Qa’ida ee Somalia.

246120cookie-checkMaxaa Ka Taqaan 4-Horjooge Ee Ugu Awooda Badan Kooda Shababka