Deeqihii Iyo Daawadii Covid-19 Oo Suuqyada La Soo Dhigay

Somalia news

Deeqihii iyo Daawadii Dowladaha China , Turkey & UAE oo ugu deeqeen Shacbiga Soomaaliyeed, kuwaasoo isugu jiray daawooyin iyo qalab loogu talagalay in loogaga hortago caabuqa coronavirus sida  Agabka faraxalka, waji gashiga loo yaqaan Facemask iyo dawooyinka kale ee jeermiska dila ee Sanitizer-ka ayaa Laga iibiyay Ganacsato…

Maalmihii u dambeysay Diinah.com baaris iyo dabagal ku haysa xogaha tilmaamaya in Ganacsato laga iibiyay mucdawimadii soo gaartay DFS ee looguna talagalay in looga hortago Cudurka caabuqa Covid-19 in  si cad oo aan gambasho lahayn loogu iibinaayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Marar badan ayaa Siyaasiinta iyo Kooxaha Mucaaradka ku eedeyeen in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ay si musuq maasuq ah u maareysay Deeqaha iyo Dhaqaalaha, waxaana marqaati madoonto ah in Dhaqaalihii loogu talo galay Fatahaadaha Wabiga Shabelle ee Magaalada B/Weyne la leexsaday, Oo dano kale lagu fushaday.

Ganacasato dhowr ah ayaa noo xaqiijiyay in agabkaan ay ka iibsadeen shaqsi dallaal u ah Maamulka Villa Somalia, waxaana ay sheegeen in qiimo aad u jaban looga iibiyay, Sidoo kale Deeqdii Dalka China ayaa la sheegay in lagu xareeyay Bakhaaro ku yaal suuqa Bakaaraha.

39580cookie-checkDeeqihii Iyo Daawadii Covid-19 Oo Suuqyada La Soo Dhigay