Maxaa ka Run ah in Ciidamada Boliiska Dableyda Madaxtooyada ay ku Biirayaan Dagaalka..

Somalia news

Inkastoo uu si xowli ah ku bilaawday wajiga 2-aad ee Dagaalka isla markaasna dhaliyay Guulo, khasaare Nafeed & iyo burbur qalab oo baaxad leh, ayaa hadda waxaa soo shaac baxaaya dulduleelooyin ka muuqda qorshaha dejinta Istraateejiyada howlgelinta Dagaalka taasoo dhici karta in dib u dhac ama hakin ku keeno…

Khubarada falanqeeya arrimaha Howlgalkaan ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha iyo Saraakiisha ku howlan dhanka Dagaal gelinta iney ku deg degeen Dagaalka degaanada qaarkood sida kan cowsweyne oo Ciidamada Dowladda uu khasaare balaaran ka soo gaaray, ku darsoo waxaa la hakiyay Dagaalkii ay Ciidamada agaga qaarkood howlks bilaabeen lamana yaqaano sababta.

Madaxwrynaha oo xiligaan wajahaaya Ciidamo yare aaga 3-Xagalka Ceeldheer-Dhuusa Mareen Ceelbuur, ayaa amray in Guutada Boliiska Dabkeyda Madaxtooyada iyo kuwa Wasaarada Gaasjandhiiga in loo daabulo magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo lagu fasiray Tiro yarida Ciidamada.

Dhanka kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Gaadhandhigga lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay gudashada xilkiisa uuna ku mashquulay Baraha Bulshada iyo inuu khilaaf kala dhaxeeya Taliyaha Ciidamada kuna saabsan Saadka Ciidamada, laguna wado in xil ka qaadis lagu sameeyo.

274440cookie-checkMaxaa ka Run ah in Ciidamada Boliiska Dableyda Madaxtooyada ay ku Biirayaan Dagaalka..