Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Magaalada Mogadishu..

Security Somalia news

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay bar koontarool oo ku taala inta u dhaxeysa xaafadaha Macaani iyo Tareedishe oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho..

Qaraxaan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo ka dhacay afaafka hore ee xero ciidanka NISA ku leeyihiin halkaas oo lagu baaro gaadiidka soo gala gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa 5 askari oo ka tirsan ciidanka NISA iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa Ismiidaaminta, waxaana sidoo kale jira waxyeelo soo gaartay Dad Rayid ah oo wadada maraayay.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay si weyn uga yaraadeen qaraxyada noocaan oo kale ah oo ay kooxda Al-shabaab ka geysan jirtay Muqdisho.

340250cookie-checkQarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Magaalada Mogadishu..