Ma Dhabaa Inuu Farmaajo Oggolaaday Inuu Bedelo Guddiyada Doorashada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu shalay kulan la qaatay Mas’uuliyinta Taageersan iyo qaar ka mid ah Beeshiisa, iyadoo kulankaasi looga dooday xaalada adag ee ka dhalatay Guddiyada Doorashada…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay oggolaadeen iney guddiyadooda qaarkood bedelaan, kadib mrki Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ay culeys ku saareen, sidoo kale Mr.Farmaajo uu go’aansaday inuu Shirka Musharaxiinta ee Hotel Jazeera u diri doono ergo ka wakiil ah (Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Kuxigeenkiisa 1-aad), Isaga oo oggolaaday inuu wax laga bedelo Gudiga Doorashada ee uu dhowaan uu magacaabay.

Gudiyada oo haatan uu tababar uga socdo Hotel Decale, ayaa la sheegay in welwel xoog lihi soo wajahay, Dhinaca kale wararku waxay tibaaxayaan in Mr.Farmaajo uu si Shaqsi ah kula hadli doono Qadka Telefoonka qaar ka mid ah Musharaxiinta halkaa ku shireysa.

74490cookie-checkMa Dhabaa Inuu Farmaajo Oggolaaday Inuu Bedelo Guddiyada Doorashada