Qarax Ka Dhacay Magaalada Garoowe

Health

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey kolonyo gaadiid ah oo ay wateen guddoomiyaa gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal….

Qofka is qarxiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga ay la socdeen guddomiyaha iyo taliyaha, xilli ay hor marayeen saldhigga Boliiska ee magaalada Garowe halka loo yaqaan Barxada.

Wararka aan ka heleyno qaraxaas ayaa sheegaya in dhaawacyo ay kasoo gaareen guddoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) iyo taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal oo la socday gaariga uu beegsaday ruuxa nafti haligaha ahaa.

Labadaas Mas’uul iyo qaar ka mid ah ilaaladii la socotay oo dhaawac ah ayaa la sheegay in loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.

24930cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Garoowe