Qarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Qaraxaan lala bewgsaday gaari uu leeyahay Guddoomiyaha gobolka Axmed Mayre Makaraan, wuxuuna sheegay inuusan la socon baabuurka xilligaas, khasaarena ilaa xilligan lama soo werin.

Dhinaca kale saddex qof oo ka tirsan askartii hore ee Somalia ayaa la sheegay in lagu dilay weerar Kooxda argagixisada Shabaabka ku qaadeen xeradii Hiilweyne, Weerarkan ayaa wararku sheegeen inuu dhacay Jimcihii. Ilaa hadda taliska ciidanku kama aysan hadlin rasmi ahaan weerarka.

156590cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar