Ma Dhabaa in Xoogaga PSF ee Puntland ka Qeyb qaadanayaan Howlgalada Xoreynta Xaradheere

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa muujinaaya qorshe balaaran oo iska kaashanayaan Dowladda Federaalka, Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulada Galmudug iyo Puntland ay qeyb qaadanayaan howlgallada lagu wado in ay ka billaawdaan Degaanada Hobyo iyo Wisil…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamadaan oo oo qaarkood uu tababaray, qalabeeyay, Gunooyinkana bixiyaan Waaxda Difaaca Mareykanka, waxaana ka mid ah Xoogaga PSF-ta Boosaaso, Ciidamada Danab ee Konfurta Gaalkacyo & kuwa degaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay lagu uruurinaayay Degaanada Hobyo iyo Wisil.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamadaan ay duulaan ku yihiin Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug, Abaabulkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii Xoogaga Degaanka iyo Ciidamadii Galmudug ay ka dhaqaaqi waayeen muddo bilooyin ah degaanka Baxdo iyo degaanka kale.

236820cookie-checkMa Dhabaa in Xoogaga PSF ee Puntland ka Qeyb qaadanayaan Howlgalada Xoreynta Xaradheere