Tuhun Laga Muujiyay Soo Celinta Dhalinyarada Eritrea

Somalia news

Warar madax-banaan ayaa tibaaxaaya in Dhalinyaradii rahanta loogu heystay Dalka Eritrea Oo todobaadkii Hore qeybtii ugu horeysay oo dhan 200-Qof laga soo dejiyay Magaalada Mogadishu, waxaana la dejiyay xero ay iska leedahay NISA horeyna u qorsheysay qaadista Dhalinyaradaan…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in 25-Duulimaad ay todobaadyada soo socda Diyaarado Ciidamada Cirka Turkiga ay leeyihiin ka soo qaadi doonaan 3-xero oo ku kala yaala Degmooyinka ka tirsan Dalka Eritrea, iyadoo Dhaqaalaha Guud ahaan ku baxaya ay dhan tahay 16-Million US$ ayna kala qaadan doonaan Turkiga iyo Eritrea.

Mucaaradka Dowladda ayaa tuhun badan ka muujiyay soo celinta Dhalinyaradaan, waxeyna ka shakisan yihiin in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu qorsheystay inuu ku khalkhal geliyo hanaanka Xulashada dadban ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad isla markaasna u adeegsado caburinta Shacbiga Soomaaliyeed.

156620cookie-checkTuhun Laga Muujiyay Soo Celinta Dhalinyarada Eritrea