Qarax ka Dhacay Xalay Magaalada Kismaayo

Somalia news

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in halkaas xalay uu ka dhacay qarax bam gacmeed ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Qaraxa ayaa sida la sheegayo lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen laba ruux afar kalena ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada afarta ruux ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Kismaayo halkaas oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Laamaha Amniga Jubaland oo qaraxa kadib hawlgal ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay dad lagu tuhunsanyahay in ay fuliyeen qaraxaas.

Balse ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkastoo Kooxda shabaab looga bartay qaraxyada noocaas oo kale ah.

47260cookie-checkQarax ka Dhacay Xalay Magaalada Kismaayo