Villa Somalia Oo Olole ugu Jirtay in Doorashada Gudoomiyaha Golaha AU-da Loo Magacaabo Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qorshe uu Madaxweynaha Somalia ku doonaayo inuu Haweeneyd ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu u diyaariyay iney u tartanto Xilka Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa, kaasoo la sheegay in Doorashada la qaban doono Sanadka 2025-ka..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Villa Somalia ay in muddo ahba waday Olole ay Dowladaha Africa uga dhaadhicineyso in Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf X Aadan oo mar soo noqotay Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia ayna khibrad iyo waayo aragnimo u leedahay qabashada Xilka Gudoomiyaha Commission-ka Midowga Africa oo haatan uu jagadaasi ku fadhiyo Mr.Moussa Faki ilaa 14 March 2017.

Mr.Faki ayaa Saaxiib aad ugu dhow ah Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Isla markaasna Heshiiska Is-afgaradka Ethiopia & Maamulka Gooni goosadka Somaliland ka soo saaray qoraal dabacsan oo ugu baaqay in Dowladaha Ethiopia iyo Somalia ka heshiiyaan Khilaafka u dhaxeeya ayaa lagu wadaa inuu mar kale isku soo taago Xilka uu hayo, Dagaalka Ethiopia iyo Somalia xowli ayuu ku socdaa.

Ku darsoo Dowlada Masar ayaa sheegtay iney Daafici doonto Duulaanka lagu gayo Dhulka iyo Xeebaha Somalia, waxaana lagu wadaa in dhowaan magaalada Qaahira looga dhawaaqo Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Egypt, Eritrea iyo Somalia, Isbaheysigaan oo dhan ah Dalka Ethiopia oo xiligaan Dagaalo sokeeye ka holcaayaan ayaa qorsheystay in Xoog iyo xeeladba ku qaataan Xeebaha Somalia.

300950cookie-checkVilla Somalia Oo Olole ugu Jirtay in Doorashada Gudoomiyaha Golaha AU-da Loo Magacaabo Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf..