Hogaanka Madasha Oo La Kulmay Culumaa’udiinka

Somalia news

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulamo kala gaar gaar ah Xalay la qaatay qaar kamid ah Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed, iyadoo kulankaasi looga dooday xaalada Dalka, Muranka ka dhashay dib u dhigida Doorashada iyo Qodobo kale…

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan casho ah la qaatay qaar kamid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Khaliif C/qaadir Macallin Nuur, waxaa qayb ka ahaa Sheekh Cali Wajiis, Sheekh C/qaadir Soomow iyo Culumaa’uddiin kale oo Soomaaliyeed.

Kulanka Culumaa’udiinta iyo Hoggaanka Madasha ayaa diiradda lagu saaray xaaladda dalka, marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka iyo shirka Mudullood ee dhawaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Kulanka Guddoomiyaha MXQ ka hor waxay culumaa’uddiinkan Soomaaliyeed la soo kulmeen Madaxweynihi hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaanka sare ee Madasha XQ kamid ah.

Hoggaanka madasha Xisbiyada Qaran ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeelanayay Bulshada qeybaheeda kala duwan,kuwaas oo ay kala hadlayeen marxaladda dalka iyo sidii doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan si nabad galyo ah ugu hirgeli lahaayeen.

47290cookie-checkHogaanka Madasha Oo La Kulmay Culumaa’udiinka