Qarax Khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay Maqaayad ku Taal magaalada Mogadishu…

Security Somalia news

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya gaari walxaha qarxaha laga soo buuxiyey oo ku qarxay agagaarka Maqaayad laga cuno Muufada oo ku taala dhabarka danbe ee guriga Hooyooyinka, iyadoo Qaraxa jugtiisa laga maqlay deefaha magaalada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maqaayada la hordhigay lagu magacaabaa Geel-doox waana goob aad u mashquul badan xliyada duhurka oo ay dad badan isugu yimaadaan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah, ilaa sadax ruux oo midi haweeney tahay ayaa ku dhintay qaraxaan.

Dhanka kale, Warar ayaa sheegay in ilaa 2-3 Gaari oo miineysan ay ku jiraan Magaalada, waxaana habac ku yimid Amaanka Magaada, iyadoo Taliska NISA & Boliiska ay ku fashilmeen iney wax ka qabtaan falalka kooxaha argagixisada, waana weerarkii 2-aad muddo saacado gudahood ah.

344780cookie-checkQarax Khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay Maqaayad ku Taal magaalada Mogadishu…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *