Qorqor & Odayaasha Degmada Cadaado Oo Kulan Looga Arrinsanaayo Dhismaha Gole Degaan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor iyo waxgaradka degmada Cadaado ayaa waxa la sheegay kulan ay yeesheen kaasoo muddo 2-Maalmood qaatay markii dambana lagu heshiiyay…

Wararka ayaa sheegay in Kulankaan uu salka ku hayay ka hadalka sida laga yeelayo saami qeybsiga kuraasta beelaha ee golaha Degmada Cadaado oo hadda la qorsheenayo in la doorto, Qorqor ayaa soo jeediyey in Odayaasha Degaanka Cadaado uu ka rabo in labo kursi ka mid ah kuwa ay leeyihiin ay siiyaan beelaha kale ee la degga deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray dhismaha Golaha degaanka Magaalada Cadaado kadib shirar badan oo ay galeen, wuxuuna faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay si deg deg ah ugu dhisto Golle degaan Magaalada Cadaado & dhamaan degmooyinka kale ee Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa uu xalay ka sheegay munaasabad soo dhaweyn iyo sagootin ah oo xalay loogu sameeyay Magaalada Cadaado, iyada oo la filayo in Maanta uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

193490cookie-checkQorqor & Odayaasha Degmada Cadaado Oo Kulan Looga Arrinsanaayo Dhismaha Gole Degaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com