UN-ka Oo Baaq ka soo Saaray Khilaafka Federaaleynta Somalia..

Somalia news

Baaq ay soo saareen Saraakiisha UN-ka ee fadhigoodu yahay Somalia ayeey cod dheer ugu baaqeen inn heshiis laga gaaro Xaalada Federaaleynta Somalia, waxeyna intaasi raaciyeen in Dalku uu ku jiro xaalad soo kabasho ah loona baahan yahay in la saxo qodobada is-diidaaya ee Dastuurka Qabyada ah ee Maamulada Gobolada iyo Dowladda Federaalka…

Sarlkaalkaan oo magaciisa ka gaabsaday oo wareysi siiyay Jariidada Financial Times, ayaa sheegay in Dalka uu soo maray marxalado kala duwan marna tusaale ahaan loogu soo qaadan jiray Dowladaha Fashilmay, balse xiligaan waxaad moodaa iney ka soo kabsaneyso tusaale ahaan u soo qaatay “ Koob Biyo ah oo Nus buuxaan”.

Diblomaasi ka soo jeeda Qaarada Africa ayaa Sarkaalkaan ku taageeray Dhawaaqa Sarkaalkaan, hase yeeshee wuxuu tibaaxay iney xiligaan muhiim tahay in mudnaanta lasiiyo sidii loo dardar gelin lahaa Xasilinta Magaalo madaxda, isla markaasna is-maandhaafka ka jira arrimaha Federaaleynta in lagu xaliyo hanaanka uu xeerinaayo Dastuurka qabyada ah.

Madaxweynaha iyo Maamulka Puntland ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay muujiyay kala aragti duwanaasho la xiriira Qadiyadaan, iyadoo dadaalo iyo wanwaan laga dhex bilaabay oo ay hormuud u yihiin Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo shaac baxaaya inkastoo kulankii ay kulankii ay Saciid Dani kula yeesheen Nairobi ay ku wargeliyeen inuu iska xaadiyo Kulamada Dowladda Federaalka iyo Maamulada Dalka ka qeyb galo halkaasina ka caddeeyo waxyaabaha uu tabanaayo.

252330cookie-checkUN-ka Oo Baaq ka soo Saaray Khilaafka Federaaleynta Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com