Xog:-Deni iyo Islaan Bashiir oo isku mari waayay kulan dhexmaray, & loolanka 2-da kursi!

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa kulan wadatashi ahaa oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland & Islaanka Beesha Cumar Maxamud kaasoo ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii ay isku fahmi waayeen labada dhinac arrimaha doorashada labo kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS..

Kulankaan oo ka dhacay hoyga uu Garoowe ka degan yahay Islaan Bashiir ayaa diirada lagu saaray hannaanka loo marayo doorashada kuraasta HOP#198 iyo HOP#199, ee Golaha Shacabka BJFS ku matalaya beesha Cumar Maxamuud, iyadoo Mr.Dani uu la doonaayo Kuraastaasi Xubnaha kala ah:-

-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mr.Cabdiladiif Muuse (Sanyare)

-Mr.Cusmaan Dheere (Agaasimaha Duulista).

Iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in Islaan Bashiir uu ku adkeystay in Odayaasha Beesha loo madax baneeyo Musharixiinta beesha ku metalaaya Baarlamaanka 11-aad ay soo xulaan, wuxuuna si cad ugu sheegay in Rabitaanka inta badan lagu soo xulaayo Musharixiinta taasoo u cuntami weysay Mr.Dani

Labadaan kursi ayaa ka mid ah lix kursi oo kamid ah 37-kursi ee ay degaanada Puntland ku leeyihiin Golaha Shacabka BJFS, kuwaasoo aysan weli dhicin doorashadoodu laguna wado in la qabto 18-ka bishaan.

175190cookie-checkXog:-Deni iyo Islaan Bashiir oo isku mari waayay kulan dhexmaray, & loolanka 2-da kursi!
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com