Qarax Lagu Burburiyay Dhismayaal Duleedka Mandheera

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa dhismayaal xarun Boliis iyo Isgaarsiinta oo dhawaan la dhisay ayaa habeen hore lagu burburiyey qaraxyo ka dhacay agagaarka Degaanka Borehole 11 oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya…

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Koox Hubeysan oo ka howlgasha agagaarka xadka Kenya iyo Somalia ayaa la sheegay iney fuliyeen Howlgalkaan, kuwaasoo ay Saraakiisha Amaanka Magaalada Mandheera ay ku eedeeyeen in laga soo abaabulay degmada B/Xaawo Ee Gobolka Gedo, iyagoo oo kaashanaya dadka deegaanka.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in mashiinkii isgaarsiinta ee dhismuhu ka socday uu hakad galay sababo la xiriira markii hanjabaado loo jeediyay shaqaalaha ka howlgalayay oo aan u dhalan deegaanka.

Ma jiraan wax dhaawac ah oo la soo sheegay in qaraxaasi u geystay, Dadka deegaanka ayaa ka dalbaday Mas’uuliyiinta amniga inay wax ka qabtaan dhacdooyinkaan joogtada noqday.

79390cookie-checkQarax Lagu Burburiyay Dhismayaal Duleedka Mandheera